Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Madaxweynaha isagoo helaya digniino amni, misana kama baaqan in uu tago furimaha (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha isagoo helaya digniino amni, misana kama baaqan in uu tago furimaha (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWargayska

Madaxweynaha isagoo helaya digniino amni, misana kama baaqan in uu tago furimaha (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 6, 2023
8 Min Read
Share

Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay xerada ciidamada Guutada Cali binu Abii daalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guulaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka Khawaarijta, isaga oo kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay u soo gabagabeyn lahaayeen Wejiga koowaad ee dagaalka, si loogu gudbo Wejiga 2-aad ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay bilowgii dagaalka dalkeenna looga xoreyneyno Khawaarijta  diyaar garowga  sidii la rabay in uusan  aheyn islamarkaana dalka ku jiray xaalad abaareed oo ba’an, balse maanta ilaahay mahadiis Soomaaliya waxa ay heysataa Ciidan ka tayo iyo tiro badan markii dagaalka Khwaarijta la bilaabayay , diyaarna u ah inay naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay xilliyada dagaalka in la kala barto dadka, gaar ahaan Madaxda, Saraakiisha iyo Askarta.“Runtii dagaal haddii la galo waa la kala bartaa dadka, Madaxdaa la kala bartaa, Saraakiishaa la kala bartaa, Askartaa la kala bartaa, dhammaan dadka waa la bartaa, qof walbana doorka uu qaata maalinta ay adag tahay waa la bartaa, maalinta fiican ee ay nabaddu jirto nin kastaa waa fiican yahay”

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay xerada ciidanka XDS, Guutada Cali binu Abii daalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka Khawaarijta, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay u soo gabagabayn-lahaayeen Wejiga koowaad ee dagaalka lagula jiro Khawaarjta, isagoo ka sheekeeyay xilligii ay Ciidanka xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka soo billaabeen sanad ka hor ay yareyd saadaasha guulaha la gaaray, iyadoo ay dalka ku sugan tahay AMISOM, wuxuuna intaa raaciyay in xilligaasi ay Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika aysan ku qanacsanayn dagaalka khawaarijta ka dhanka ah, balse ay iminka ogaadeen in ay dhab ka tahay dowladda ciribtirka Argagixisada.

“Ciidanka xoogga dalka asigoo keligiis ah oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaad dagaalka soo billowdeen sanad ka hor, dad badan ayaa ku qoslaayay oo lahaa meel gaari maayaan, waanay soo noqonayaan. Berigaas AMISOM annaga kumaanan qancin karin inaan nahay dad uu dagaalka dhab ka yahay oo waxay noo arkaayeen dad aanu dhab ka aheyn, laakiin maanta way fahmeen inuu dagaalku dhab naga yahay ama aan wax qabsan karno”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlaayay safarkiisa Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa yiri:-  “Waxa aan maanta degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee naftood hurayaasha ah. Markii aan bilaabeynay dagaalka aan dalkeenna ugu xoreyneyno meelaha ay Khawaarijta uga sugan yihiin, hogaankeenu wuu cusbaa, diyaar garowgeena sidii la rabay ma aheyn, dadkeena waxa ay ku jireen xaalad abaareed oo ba’an, balse maanta ilaahay mahadiis weynu ka diyaar garow fiicanahay sidii hore. Waxa aan heysanaa Ciidan ka tayo iyo tiro badan markii aan dagaalka bilaabeynay, diyaarna u ah inay naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda”.

Madaxwyne Xasan Sheikh “Maalin kasta Fariimo Cabsi galin ah ayaa laysoo diraa xalay ayaa ugu dambeyse, waxaa la I leeyahay ha bixin, gaari qarax ah ayaa jira, Diyaarada Helikoptarka waa la qarxinaa iyo wixii la mid ah,  Shabaab ima cabsigalinayaan,  inuusan I dili karin aan Aaminsanahay, sidoo kale ayaa adinkana la idinku leeyahay, yaan la idin cabdi galin”, haddaba Su’aashu waxay tahay, haddii Madaxweynaha waddanka oo ka cabsan waayey Shabaabka qaraxyadooda iyo furimaha, yuu yahay Askariga ka cabsanaya dagaalka xaqa ah ee lagula jiro Koxda Khawaarijta ah?, jawaabta su’aashaasi adinka ayaa la idinka rabaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Saraakiil Ciidan Xabsiga loo taxaabay, lana horgeyn doono maxkamadda ciidamada qalabka sida si loogu qaado dabmiyada loo haysto. “Saacaddaas aan idinla hadlaya Niman Saraakiil ah ayaa xir xiran, dambi ay galeenaana loo xiray, qaanuunka milliteriga iyo dishibiliinka waxa uu ka qabo ayaana la marsiinayaa, Maxkamadda milliteriga waxay siiso ayay yeelanayaan”, wuxuuna intaa ku daray in sharciga wuxuu ka qabo marsiin doono saraakiisha la tuhmayo cidii dambi lagu waayahana la sii deyn doono.

Madaxweynaha oo si gaar ah ula dardaarmay Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay Askarta caadiga ah ka dembi culus yihiin, inta badanna ay dhibaatada ka timaaddo amarro qaldan oo uu taliyuhu bixiyay, wuxuuna intaa raaciyay in mas’uuliyad wadareed ay saaran tahay dhammaan Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta kale ee dalka, balse loo kala sarreeyo.

Maxaas Banankeeda Maxaa ka dhacay? .

Ciidamada Geesiyaashada Qaranka ayaa fashiliyay baabur kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa, islamarkaana saarnaana Gaari ah kuwa raaxada ah oo ay doonaayen in Drgmada Maxaas ay ku weeraraan ayaa Sirdoonka ciidanka ogaaday xogta gaarigan, kadib waxay ugu hortageen ciidanka bananaka magaalada kadib Maxaa dhacay?

Hal nin oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa waday gaariga markii ay Rasaasta ku fureen Ciidanka jooga barta Koontarool ayuu is qarxiyay, halkaasina Ciidanka iyo Dad kaleba  waxba kuma gaarin, halka dhaqarqabihii waday gaariga oo kaliya uu ku dhintay, arrintaasi ayay ku timid ayaa la leeyahay,  kadib feejignaan iyo fara fudeyd ay muujiyeen Ciidanka Qaranka ayay ku suurtogashay, ciidanka qaran ayaa mar walba u diyaarsan sugida Amniga iyo halis kasto oo ugu imaan karta Khawaarijta, iyadoo Taliyayaasha ciidankaasi  oo ku sugnaa goobtaasi ay ku guuleysteen Howlgalkan oo ay wehliyeen Ciidanka intiisa kale, waxaa kaloo jira in Saraakiisha Dowladda ee halkaasi ku sugan iyo kuwa la socda Madaxweynaha ayaa sheegay in qaraxa xogtiisa ay la socdeen gaariga markii la arkayna saban lagu dhuftay sidaasna uu ku qarxay.

Dhinaca kale qoraal uu SONNA soo gaarsiiyay Madaxa Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada  Mohamed Cabdi Cusman Faradheere ayaa u qornaa sidan:-

Waa sidee xaalka Arga-gixisadu? Kooxda khawaarijta ah oo Hurdo iyo jiif ladi’ waayey, kadib howlkalkii Geesiyaashu ka daba galeen hadba halka ay ku dhuumaalaysanayaan, kooxdu waxa ay Soomaliya ka siii noqonaysaa gabal dhacay.

Hadaba maxaay ku timid inay ladi”wayeen hurdo? Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Faderalka Somalia Mudane Dr Xasan shekh Maxamuud oo ay si dhaba uga Go’antahay tir-tirida Kooxadan iyo in meel lagu sheego la waayo Soomaaliya, rabana, Dalkiisa iyo Dadkiisa oo Nabad iyo Barwaaqo ku noolaada Hiigsanaya, isaga oo ay ku garab taagan yihiin Shacabka uu Hogaanka u hayo Iyo Ciidankeenna Qaranka ee Naftoood hurayaasha ah habeen iyo maalinba baacsanaya Khawaarijta  ayaa ah midda u diiday dhiigmiiratada hurdo inay ladaan.

Hadaba waxaan maanta joognaa Xili shacabka Soomaaliyeed ay meel iska dhigeen khilaaf,   ayna u istaageen garab istaagooda Qarankooda si ay dalkooda ugu nolaadaan nolol middan hadda ka wanaagsan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hantidhowrka Guud ee JFS oo Ka Qayb Galay Shirkii 21-aad Ee Golaha Maamulka AFROSAI-E Ee Seychelles

Muqdisho(SONNA):-𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qeybgalay Shir-Madaxeedkii 21aad ee Ururka Hay’adaha Hantidhawrka Sare ee Afrikada…

GudahaWararka
May 25, 2025

Kuuriyada Koonfureed oo Safiirka cusub usoo magacowday Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo,…

GudahaWararka
August 5, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muqdisho ka furay shirweynaha horumarinta beeraha ee dalkeenna

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha koowaad ee horumarinta silsiladaha maalgashiga beeraha…

GudahaWararka
October 1, 2024

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo Safiirka Italy ee Somalia oo ka qayb galay munaasabad Agab Caafimaad lagu gudoonsiinayay Isbitaal Martini

Muqdisho (SONNA)-Munaasabadan Isbitaal Martini lagu gudoonsiinayay Agablaka Caafimaad oo ay ugu deeqeen Cutubyada Ciidanka Talyaaniga Soomaaliya ee loo yaqaano CIMIC…

GudahaWararka
June 23, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023