Jowhar,(SONNA):- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo diirada lagu saarayey dardargelinta dagaalka ka dhanka Khawaarijta.
Wafdi uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa galabta soo gaaray magaalada Jowhar.
Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa caawa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa Taliyaha, intaas kaddib ayaa la galay shir guud oo ay ka qeybgaleen saraakiishii horay uga howlgaleysay deegaanada Dowladda Hirshabeelle.
Muddada uu shirka socday ayaa lagu gorfeeyay xaaladdihii ugu dambeeyay iyo sida howlgal sifeyn ah oo ka dhan Khawaarijta loo qaadi lahaa.
Taliyaha ayaa carabka ku adkeeyay in la joogo waqtigii shacabka Hirshabeelle laga dulqaadi lahaa dhibaatada argagixisada.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo la dardaarmayey saraakiisha ayaa yiri: “Allaha idinku guulleeyo, garab ayaan idin kugu nahay dagaalka Khawaarijta.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka dardargelinta dagaalka Khawaarijta.
