Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabulka lagu ciribtirayo Kooxda Khawaarijta ee alshabaab ayaa kormeer booqasho ah ku tagay deegaannada Mabaax, Xaawo gadiid, iyo deegaanka Ceel Cali Axmed oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Xooga Dalka,ciidanka darawishta iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka .
Madaxweynaha oo deegaanka Ceel Cali Axmed ay kusoo dhoweeyeen Senator Axmed Maxamed Cali Afcadey, Taliyaha Guutada 3aad Qeybta 27aad ee CXD, Abaanduulaha Guutada 3aad, Taliyaha Booliiska Hirshabeelle, Saraakiil, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada, boqolaal Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka iyo Kuwa dib u xoreynta deegaanka oo uu ku bogaadiyay isku duubnida wadajirka ah ee ka muuqda iyo guulaha ay ka gaareen cadowga khawaarijta ah ee u taagan gumaadka shacabka Soomaaliyeed isagoo xusay in la joogo waqtigii la ciribtiri lahaa Kooxda khawaarijta ah.
Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in kormeerka uu ku marayo furimaha ay tahay ka warqabka iyo dhiirigalinta ciidanka geesiyaasha ee taagan baabi’inta cadowga Khawaarijta ah ee alshabaab waxa uuna sheegay in difaacyada dagaalka ay u joogaan hogaaminta dagaalka iyo dhiirigalinta ciidanka.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeen deeq xoolo ah ku wareejiyay qeybaha kala duwan ee ciidanka geesiyaasha ah ee ku sugan deegaanka Ceel Cali Axmed.