Muqdisho (SONNA)- Wafdi ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo isuga jira heer Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafa Cagjar ayaa maanta waxaa soo dhoweyn wanaagsan loogu sameeyay magaalada Beledweyne, waxaana ujeedka wafdigani uu qeyb ka yahay dadaallada dib u heshiineed ee ka socday magaalada Feer Feer.
Soo dhoweyn kaddib Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa qasriga Madaxtooyada magaalada Beledweyne ku qaabilay Wafdiga, isagoo ka xog wareystay dadaallada labada dhinac ka socda ee dhab u heshiisiinta iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka gacansi iyo amni ee labada Dowlad Goboleed.
Kulanka ayaa ku soo idlaaday guul, waxaana uu shirkan daba socday kulan maalmahan odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin labada dhinac ah uu uga socday magaalada Feer Feer, halkaasi oo ay isku afgarteen xalinta dagaal beleed ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ku dagaalameen dad beeraley ah.