Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay ku-xigeenkiisa oo Baladweyne Safar shaqo ugu maqnaa

La wadaag cid kale

MUQDISHO (SONNA)- Madaxweynaha maamul-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle iyo wafdi uu hogaaminayay oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Baladweyne, halkaas oo ay kulamo kula yeelanayeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Hiiraan.

La wadaag cid kale