Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta casuumaad qado sharaf ugu sameeyay xarunta madaxtooyada Hirshabeelle Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee shalay lagu doortay magaalada Jowhar.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Xildhibaanada cusub ee la doortay, isagoo kula dardaarmay ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
Xildhibanadan oo garaya lix mudane ayaa shalay lagu doortay magaalada Jowhar.