Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle.
Kulankaan oo looga hadlay howlgalada baahsan ee kooxda khawaarijta alshabaab looga xoreynayo deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle, waxaa Wasiirka Amniga looga dhageystay warbixinta amniga, sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay dardargalinta iyo isku xirka dadaalada xasilinta
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha usoo gudbisay Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Dowladda Hirshabeelle oo ay Golaha Wasiirada cod aqlabiyad ku ansixiyeen, Dhanka kale Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku meelmariyay Macadka Tababarada Dowlad goboleed Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa Golaha Xukuumadda la wadagaay duruufaha adag ee ka jira deegaanada laga xureeyay cadowga ee uu socdaalka ku soo maray isagoo xusay inay khawaarijta ay cuuryaamiyeen nolosha iyo horumarka bulshooyinka ku nool deegaanada laga xoreeyay.