Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay ka gaareen weerar ay kooxda argagaxisada Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Masagwaay ee Gobolka Galgaduud waabbarigii saaka.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay sida foojintaan leh ee ay u maareeyeen weerarka uga yimid argagxisada, isagoo ugu baaqay in la joogteeyo.
Madaxweynaha ayaa yiri โ Waxaan ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo dhammaan bulshada reer Galmudug oo iskaashanaya ugu hambalyeynayaa sida ay u fashiliyeen weerarkii argagaxisada, waxaanan ku ammaanayaa foojignaanta dheeriga ah ee ay ciidanku muujiyeen.