Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ,Wasiirka gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo wafdi ay hoggaaminayaan oo maalmahan ku sugnaa degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa kormeer ku tagay fariisimaha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin deegaanno hoos tagga degmadaas.
Madaxweynaha ayaa ciidamada qalabka sida ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen howlgallada lagu ciribtirayo Kooxaha Khawaarijta ee arxanka daran.
Ciidamada dowladda iyo xoogagga kacdoonka shacabka ayaa ku guuleystay in ay maleeshiyada Khawaarijta ah ka xoreeyaan deegaanno badan oo muddo 10-sano ka badan gacanta cadowga ku jiray.