Xinlabi (SONNA): Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qayb ka yahay agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray deegaannada Dhag-haye iyo laas-gacaneey ee gobolka Mudug oo dhawaan laga saaray maleeshiyada Khawaarijta ah.
Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa shalay ilaa galinkii hore ee maanta ku sugnaa deegaanka Xinlabi oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta, halkaas oo uu kula kulmay ciidamada qalabka sida iyo ciidanka deegaanka, isagoo ugu hambalyeeyey guulaha isdabajoogga ah ee Khawaarijta ay ka gaareen.
Madaxweynaha ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Xinlabi ee muddo dheer u oomanaa neecaawda dowladnimada, isagoo kula dardaarmay inay ciidamada la shaqeeyaan, si loo soo gaarsiiyo adeegyada bulshada ee aas aasiga ah.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo in ku dhaw saddex toddobaad ku jiray furimaha hore ee dagaalka ayaa usoo wareegay deegaannada gobola Mudug ee ay ciidamada geesiyaasha ku baacsanayaan khawaarijta arxanka daran.