Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa degmada Baxdo kula kulmay Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo Culumaa’udiinka magaalada.
Madaxweynaha ayaa bulshada Baxdo ka xog wareystay xaaladaha amni iyo kuwa bulsho ee magaalada, asagoona kula dardaarmay inay sii joogteeyaan garab istaagga howlgalada Ciidamada qalabka sida ee looga xoreynayo kooxaha argagaxisada deegaanada Galmudug