Garoowe(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada Garoowe-Garacad, isaga oo muujiyey muhiimada ay Wadadan u leedahay Bulshada Puntland.
Waxaana Goob joog ka ahaa dhagax dhiga wadadaani Masuuliyiin ka Socotay laamaha Dowlada iyo Odayaasha deegaanka .
Dhanka kalama Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Awrculus oo ka tirsan degmada Garoowe .
Madaxweynaha oo fagaare Kula hadlay Bulshadii soo dhoweysay, ayaa ku baaqay in dadka deegaanku in ay isu diyaariyaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25-May 2023, wuxuu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay waxa ugu weyn ee Dowladda laga sugayey, Sidaasi darteed loo baahanyahay in Bulshadu fursadan ka faaโideystaan.