Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay Dalka Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha golaha Barlamaanka Galmudug Dr. Max’ed Nur Gacal, xubno ka tirsan labadda gole ee Galmudug, Hawl-wadeenada Madaxtooyada iyo qeybaha bulshada.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa intii uu Jabuuti ku sugnaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dalkaasi aanu walaalaha nahay mudane Ismaaciil Cumar Geelle, wasiiro ka tirsan dawladda Jabuuti iyo madaxda sare ee Dekadaha dalkaas, waxaana ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo la dagaalanka xagjirka.