Boosaaso-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta daah furay dhismaha ballaarinta iyo horumarin Dekeda Magaalada Boosaaso, taasi oo qayb ka ah qorshayaasha Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale ee Puntland iyo Gobalka Bariba.
Dekeda Boosaaso ayaa la balaarin-doonaa 450m, iyadoo 150m ee ugu horreeyay hadda la billaabayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in hoos-u-qodka Badda la gaarsiiyo 11m, waxaa intaa dheer u diyaarinta Dekeda mid awood u leh Maraakiibta waa-weyn inay ku soo xirtaan, konteenarada guurguura, Mashiinada iyo Agabka shaqo ee Dekedu yeellanayso.
Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulhi Dani ayaa mashaariico kala duwan Ka furay maalmihi Danbe, kuwo kalana ka dhagax dhigay magaalada Boosaaso taasi oo qayb ka ah qorshayaasha Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale ee Puntland iyo Gobalka Bariba.