Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo diray hambalyo ku aaddan sanadguurada 56aad ee Wakaaladda SONNA
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo diray hambalyo ku aaddan sanadguurada 56aad ee Wakaaladda SONNA
Wararka

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo diray hambalyo ku aaddan sanadguurada 56aad ee Wakaaladda SONNA

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 5, 2020
2 Min Read
Share

Muqdishu-(SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Max’ed Cabdi  Xayir Maareeye, Wasiir ku xigeenka  Md.Aadan  Isaaq Cali, Agaasimaha Guud Md.C/raxmaan yuusuf Sheekh Al- Cadaala, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Md.Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) iyo dhamaan agaasimayaasha waaxyaha warfaafinta ,waxay hambalyo u direen dhamaan howlwadeennada  warbaahinta Qaranka, gaar ahaan maamulka iyo wariyayaasha  SONNA, munaasabadda sanadguurada 56aad eek a soo wareegtay markii la aasaasay oo ku beegan  5/1/1964tii.

Musuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta waxay xuseen muhiimadda Wakaaladda SONNA iyo doorka shariifka ah ay kaga jirto warbaahinta dalka, waxayna u rajeeyeen  howlwadeennada  wakaaladda in ay sii labanlaabaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta iyo dib u soo celinta, doorkii SONNA ay ku lahayd warbaahinta Caalamka.

Dhanka kale Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) oo ka hadlayay muhiimadda munaasabadda Wakaaladda SONNA ayaa  sheegay in wakaaladda la aasaasay 5/1/1964tii, waxayna ahayd isha rasmiga ah ee wararka dalka.

“ Mudadii u dhaxaysey 1964—1990kii Wakaaldda SONNA waxay dabooshay baahidii wareed ee dalka, waxayna ka dhex muuqatay  dhinaca war isdhaafsiga Wakaaladaha Wararka ee caalamka.”sidaasina waxaa yiri Agaasimaha Wakaaladda SONNA.

Sidoo kale Mudane Cali Maykal  wuxuu xusay in Wakaaladda ay xarumo ay ku lahaan jirtay dhammaan 18 gobol ee dalka, halkaasi oo ay u joogeen wariyayaal khibrad warbaahineed leh, waxayna ahayd isha Wararka Soomaaliya laga soo xigto, xiriir war isdhaafsi iyo wada shaqayna la lahayd inta badan Wakaaladaha wararka Caalamka.

Agaasimaha SONNA Mud. Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) wuxuu tilmaamay in wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ay ka mid ahayd hay’adihii qaranka ee uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay,balse nasiib wanaag wakaaladda hadda way soo kabanaysaa, waxayna cagta saartay wadadii ay ku gaari lahayd inay soo ceshato doorkeedii  warbaahineed ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, isagoo hawlwadeennada SONNA u rajeeyay in sanadkaan sanadkiisa kale ku gaaraan horumar, kana dhabeeyaan dhaqan galinta qorshayaasha ay wakaaladda higsanayso.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

AMISOM oo hambalyo u dirtay dowladda Jabuuti

Muqdisho...(SOONA)...Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Danjire Francisco Madeira ayaa hambalyo u dirayay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, munaasabadda…

GudahaWararka
June 27, 2021

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo waraaqaha aqoonsiga u gudbisay agaasimaha UNOV

Geneva-(SONNA)-Safiirka Soomaaliya ee dalalka Switzerland iyo Austria, Khadra Axmed Ducaale, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbisay Ms. Ghada…

GudahaWararka
April 16, 2025

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan xasilinta oo la kulmay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika

Muqdisho-(SONNA)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta…

GudahaWararka
November 6, 2025

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Muqdisho(SONNA):- Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku…

GudahaMaqaalladaSiyaasaddaWararkaWaxbarashada
July 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023