Muqdisho.(SONNA):- Alle ha u naxariisto Aamina Cabdillaahi Xirsi oo ka tirsaneyd fanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Boorama.
Aamiina waxay ka mid ahayd hablihii fanka ku biiray bartamihii 1960-yadii, waxayna sidoo kale ahayd heesaa iyo majaajilayste.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha guud iyo guud ahaan howlwadeennada wasaaradda ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee fanaanada Aamina Cabdilaahi Xirsi, waxayna murugada iyo xanuunka la qaybsadeen qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo ay ka baxday Alle ha u naxariisto fanaanadii Aamina Cabdilaahi Xirsi.