Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida Duqii hore ee Magaalada Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida Duqii hore ee Magaalada Muqdisho
GudahaWararka

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida Duqii hore ee Magaalada Muqdisho

By Abdulkadir
Last updated: October 2, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, qaraabada iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Cali Ugaas Cabdulle ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey nabadaynta iyo horumarka dalkeenna

Madaxweynaha ayaa xusay  in Marxuum Cali Ugaas Cabdulle uu muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyadii adkaa ee uu dalkeenna soo maray, Alle ha u naxariistee Cali Ugaas  ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Safiirka dalka Talyaaniga  iyo Duqii Magaalada Muqdisho Sanadkii 1987-1990,

“Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed”

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiis, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Marxuum Cali Ugaas Cabdulle ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ugu muhiim sanaayeen Duqa Muqdisho iyo Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Rooble oo La kulmay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa…

GudahaWararka
May 27, 2021

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo degmada Ceeldheer ka wada dhiirrigelinta Ciidanka

Dhuusamareeb-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka wada dhiirrigelinta…

GudahaWararka
September 18, 2025

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socda Turkiga

Muqdisho.(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka…

GudahaWararka
October 26, 2024

Dowladda FS oo soo dhaweeysay dib u bilaabista mashaariicdii ka socday Puntland.

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga, iyo horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa…

GudahaWararka
June 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023