Muqdisho (SONNA): Madaxweyna JFS mudane Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo ayaa dul istaagay caqabadaha curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed oo musuq-maasuqu ugu horreeyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay heleyaan dowladnimo dhammeystiran, isku filnaan iyo nolol wanaagsan oo sharaf iyo karaamo leh markii la cirib-tiro musuqmaasuqa, waxa uuna wacad ku maray in dowladda ay si la mid ah Khawarijta ula diriri doonto xatooyada xoolaha dadweynaha.
Dhinaca kale,ย Raโiisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta Adduunka ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Adxa, isagoo u rajeeyey dadka Soomaaliyeed horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.
Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Aaden Maxamed Nuur, guddoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka, ahna ku simaha Ra’iisal wasaaraha mudane Saalax Jaamac ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda.