Muqdisho (SONNA):Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf, Ku simaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo madax kale ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda sanad guurada 75-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo khudbad ka jeediyay munaasabaddda ayaa ugu horeyn Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ugu hambalyeeyay sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay, waxaana uu ku bogaadiyay horumaradda dhinacyada kala duwan ee ay ku talaabsadeen.
Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay dhinacyo badan ka taageerto dalalka Afrika gaar ahaan Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u sheegay in laga soo bilaabo xiligii burburka ay shacabka Shiinaha iyo dowladooda dhinacyo kala duwan ka taageerayeen Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana dadka Soomaaliyeed aanu weligood iloobi doonin abaalkaas.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa si gaar ah u xusay horumarka iyo isku duubnida dowladda Shiinaha, isagoo carrabka ku adkeeyay taariikhda dheer ee xiriirka saaxiibtinimo ee labada dowladood. Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid taabbo-gal ah, laguna dhisay is-ixtiraam iyo iskaashi dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin ganacsiga, dhaqaalaha, iyo dhaqanka. Wuxuu hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee Shiinaha ku leeyahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tamarta, caafimaadka, iyo waxbarashada.
Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid sii xoogeysanaya, iyada oo qorshayaasha mustaqbalka dhow ay diiradda saarayaan in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada difaaca, teknolojiyadda, iyo tababarka xirfadeed. Waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay in ay sii wadato xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.