Qaahira (SONNA): Waxaa magaalada Qahira ee caasimadda dalka Masar lagu soo afmeeray kulanka toddobaadka Soomaaliya oo sannad kasta la qabto. Barnaamijka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka Jaamacadda Carabta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo, aqoon-iswaydaarsi iyo hadal-jeedinno ku qotoma dhaqanka iyo hiddaheenna, ahmiyadda waxbarashada, habaynta, ababinta toosan ee ubudka qurbaha iyo qodobbo kale oo muhiim u ah xoojinta midnimada, isku-xirnaanta iyo horumarka qaybaha jaaliyadda.