Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madasha garyaaqannada Soomaaliyeed“Gobonnimada iyo Midnimadeeda dhuleeed ee JFS waa lama taabtaan”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madasha garyaaqannada Soomaaliyeed“Gobonnimada iyo Midnimadeeda dhuleeed ee JFS waa lama taabtaan”
GudahaWararka

Madasha garyaaqannada Soomaaliyeed“Gobonnimada iyo Midnimadeeda dhuleeed ee JFS waa lama taabtaan”

By shiine Shiine
Last updated: January 18, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- War qoraal ah oo ka soo baxay Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed ayaa lagu yiri sida tan.

Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed oo ah madal ay ku midaysanyihiin xeeryaqaanka Soomaaliyeed waxa ay qabatay kulan cilmiyeed ku saabsan aragtida sharci ee xadgudbka Dowladda Itoobiya ay ku soo xadgudubtay gobnnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,waxaana laga soo jeediyey aragtiyo sharci,gebogabadiina waxa ka soo baxay qodobadan:-
MADASHU WAXAY CADDEYNAYSAA:
1. In gobonnimada Dowladda Soomaaliya iyo Midnimadeeda dhuleeed ay tahay  lama taabtaan sida ku cad cahdiga Qaramad Midoobay (QM), iyo ururgoboleedyada Midawga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sida ay dhigayaan curfiga iyo xeerka caalamiga ahi.

  1. In is af-garadka la sheegay in galeen Dowladda Ethiopia iyo Soomaalilaan uu yahay faragalin arrimaha Soomaaliya, taas oo baalmarsan curfiga caalamka,diblumaasiyadda iyo xeerka caalamiga ah.
  2. In Maalgashiga Caalmiga ah ee Soomaaliya uu nidaaminayo sharci, heshiis kasta oo aan sharciga waafaqsaneyna uusan ahayn heshiis maalgashi.
  3. In Dowladda Soomaaliyeed ay xaq qaanuuneed u leedahay in ay is difaacdo, sidoo kale in ay Dowladaha xiriirka la leh la kaashato difaaca dhulkeeda si waafaqsan qodobka 51aad ee cahdiga QM, haddii lagu soo xadgubo gobnnimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed.
  4. In Shareecada islaamka aysan ku bannaanayn in dhulka Muslimka la makaniyo (loo gacan galiyo) cadowga Muslimka,halkaana ay dhibaato ka soo gaarto danahooda masiiriga ah. Waxayna shareecadu qabtaa in xukunka shayga lagu dhiso waxa uu ku danbayn doono, ee aan wax lagu dhisin kaliya waxa hadda jira .MADASHU WAXA AY SOO JEEDINAYSAA: –
    1. In Dowladda Soomaaliya aysan marnaba oggalaan tallaabo kasta oo xadgudub ah oo baalmaran xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah taas oo wax u dhimi
    karta gobonnimada iyo midnimada Soomaaliyeed, cid kasta oo ay ka timaadaba.
    2. In dib-u-habayn iyo qaabeyn lagu sameeyo, korna loo qaado tayada howl[1]wadeena xafiisyada sarsare ee dowladda gaar ahaan kuwo la falgala xariirrada dibadda sida Wasaadadda Arimaha Dibadda, wasaaradda cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka iyo Garyaqanka guud.
  5. Dawladdu waa in laba safiir oo kala duwan u magacowdaa dalalka iyo ururrada xaruntoodu ku taallo dalalkaas si looga fogaado in xubnaha nagu matalaya ururrada maqnaadaan haddii labada dawladadood xiriirkoodu xumaado.
    Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelineynaa Dawladda Soomaaliya tallaabooyinka iyo mowqifka ay ka qaadatay ilaalinta iyo difaaca gobannimada, madaxbannaanida, iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.

Muqdisho-SONNA-Mudane Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa soo dhaweeyay ansixinta ugu dambeysa…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Cadaaladda XFS oo la kulmay James Swan

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha…

GudahaWararka
January 25, 2026

Xeer illaalinta Qaranka oo soo gaba gabeysay baarista dacwad ka dhan ah Hay’adda SAHAN RESEARCH

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo gabo-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH oo dowladda Soomaaliya horay uga mamnuucday inay…

Wararka
December 21, 2020

Madaxweyne Xasan oo soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Puntland ee doorashooyinka maamulkaas

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey miro-dhalka dadaallada odeyaasha dhaqanka Puntland ee ku aaddanaa qabsoomidda…

GudahaWararka
December 7, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u Hambalyeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda xuska Sanad-guuradii 82-aad…

GudahaWararka
December 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023