Muqdisho(SONNA)- Macallinka hoggaamiya kooxda kubadda cagta Heegan ee Mahad Maxamed Xaaji ayaa ka hadlay rajada uu ka qabo hanashada horyaalka iminka soconaya Somali Premier League ee 2019-20.
Mahad Maxamed Xaaji (Meykon) ayaa xilka tababaranimoย la wareegay 24-ka bishii Novemberย ee sanadkii dhammaaday 2019, isagoo xilka kala wareegay macallin Aayarta kaas oo kooxda Heegan hoggaaminaye tartankii koobka General Daaโuud.
Mahad Maxamed Xaaji ayaa muddo siddeed sano u soo dheelayay kooxda Heegan isagoo kula guuleystay hal koob oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii 2014/15.
Haddaba macallin Mahad ayaa ka hadlay sanadkan rajada uu ka qabo horyaalka Somali Premier League, waxaana uu yiri: โSanadkaan rajada horyaalka Somali Premier League aan ka qabo waa inaan kaalmaha sare ku dhammeysannaa, Heegan waa koox fac weyn oo awood u leh, waxaa ugu dambeysay inay ku guuleysato horyaalka sanad ciyaareedkii 2014-15, balse waxaan iminka diiradda saarayaa inaan soo celiyo awoodda Heegan.โ
โHoryaalka sanadkan waa mid adagย kooxaha badi waa kuwa is hubeeyay oo xiddigo sare ku qalabaysan, taasoo ku tusinaysa inaan lagu tashin karin dhibcaha kooxda ka soo horjeedda, waxaan haysannaa ciyaaryahanno tayo fiican leh, kuwaasoo kooxda guulo u keeni kara.โ ayuu macallin Mahad ku daray hadalkiisa.
Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa afar kulan horyaalka Somali Premier league ka ciyaartay, iyadoo 2 kulan badisay, hal kulan barbaro gashay, halka kulanka kale ay guuldaro la kulantay taasoo ka dhigan in iminka ay leedahay 7-dhibcood.
Si kastaba ha ahaatee, Wiilasha Kooxda Heegan ayaa kulanka soo aadan waxa ay la dheeli doonaan kooxda Mogdisho City Club 24-ka bishaan oo ku beegan Maalinta Jimcaha ah.