Tangier (SONNA): Wafdi uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa booqasha shaqo ku tagay Dekadda Tanger ee dalka Morocco kadib marti qaad rasmi ah oo uu ka helay Agaasimaha Guud ee Tanger Med Engineering mudane Nasser Tlassellal.
Maareeyaha ayaa inta uu ku sugnaay magaaladda Tangier waxa uu booqday dekeddaha casriga ah ee Marinadda Tangier iyo aagagga warshaddaha xorta ah, kuwaas oo muujinaya hannaan isku dhafan oo la xariirta horumarinta dekeddaha iyo magaalooyinka.
Labadda dhinac ayaa qaatay kulama miro dhal ah oo diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta iyo iskaashiga, fursado tababarro oo loo qorsheeyay in ay helaan shaqaalaha dekedda, injineeradda badda iyo hawl wadeenadda, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay sidii khubradda Tanger Med uga faa’iideyn karto horumarinta dekedda Muqdisho.
