Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada ammaanka oo Hotel Elite ee Muqdisho ku soo bandhigay hub kala duwan
    June 8, 2026
    Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah
    June 8, 2026
    Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca
    June 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya
    June 8, 2026
    Kulan looga hadlayay ilaalinta carruurta ee ka hortagga colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho
    June 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: MAANSADA “WAA BARE DHANBAALKII” & MUUNAYNTA MAALINKA MACALLINKA SOOMAALIYEED
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > MAANSADA “WAA BARE DHANBAALKII” & MUUNAYNTA MAALINKA MACALLINKA SOOMAALIYEED
Maqaallada

MAANSADA “WAA BARE DHANBAALKII” & MUUNAYNTA MAALINKA MACALLINKA SOOMAALIYEED

By Khadar Mahdi
Last updated: November 21, 2024
5 Min Read
Share

Maansadani, waxa ay soo baxday 19\2\2015-kii, waxa ayna diiradda saaraysaa kaalinta Barahu ku leeyahay bulshada dhexdeeda, macalinku waa buddhiga horseedka, marna waa halbowlaha haba xidida jiritaanka, tallaala geedka horumarka bulsho.
Shaki kuma jiro; inuu macalinku diyaariyo hormudka dadweynaha. Muddo 10 gu’ ah ayaan ku dhexjirey xarumaha waxbarashada iyo goobaha ka shaqeeya xirfadda tacliinta.

Maansadan kooban waxa aan kaga hadlay miraha macalinka si guud, gaar ahaan ka soomaaliyeed. Bulsho kasta oo gaarta tanaad iyo tisqaad nololeed ogow “waa bulsho tixgelisa baraha”. Dhanka kale, bulsho kasta oo hoos uga dhacda dhabbaha guusha kuna hoos noqota burburkeeda ogow “waa bulsho bahdisha baraha”.

Dhaqanside abwaankow
Ababshihii dhallaankow
Indhoweyd dhankeedii
Dhigaalkaygi maansada
Dhaad baan ku xirayo
Ma dhanbalin halkeedii
Mana dhimin shenkeedee
Mana dhumin tixdaydii
Dhoon baan ku shubayo
Dhitadii ku keydshee
Wuxu gogol dhiggiiyahay
Dhallintii dalkaygaay
Dheeha aan ka qaadee
Bare iyo dhanbaalkii.

Cilmigaan dhadhaminiyo
Dheefsiga aqoontiyo
Dheregtiyo barwaaqada
Dhaaxa waa sugeynee
Dharaartan iftiintiyo
Dhoolkaa inoo da’ay
Waa bare dhanbaalkii.

Dedaal kaan dhudhumine
Dhumucdiisa gaarnee
Dhan kastaba hanoqotee
Noo dhalatay guushu e
Waxa dhaliyey hadafkaa
Dhabarkooda nagu sidey
Dhallaankooda naga dhigay
Waa bare dhanbaalkii.

Xafladdan dhalaashee
Sida dheemnan iyo luul
Dhaayuhu ku darareen
Lagu dhaafay hadimada
Waxaa soo dhakooloo
Dhidibbada u taagoo
Dhaliishana u diidoo
Dhaqso soo abaabuley
Waa bare dhan baalkii.

Dhalliney hubaashiin
Dhalliney ogaalkiin
Dhalliney aqoontiin
Dhalliney garaadkiin
Dhalliney hal-beeggiin
Dhalliney socdaalkiin
Dhalliney siday tahay
Dhalliney wax lays baro
Dhalliney wax lays faro
Dhalliney wax loo kaco
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Dhaqankiyo hiddaha iyo
Dheehashada tacliintiyo
Dhanbaal kaad direysaan
Adanuhu dhammaantii
Dersi ay ka dheegtaan
Dhaqan kana ka yeeshaan
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Duqaydiyo dhallaankiyo
Gololada dhaclaha xiran
Inta dhaqanka jecel iyo
Inta dhiigga noo shubay
Dheddigiyo laboodka le
Dhulkeeney u gaartahay
Dhaqan baan u leenahay
Waa dhaxal awoowee
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.
Dhakhaatiirta qarankiyo
Odayada sancada dhiga
Dhurka jiilka noo baray
Dhulka noo ilwaad furay
Noo dhiibey oog kacay
Naga dhiciyey cadowgana
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Dhulka baaristiisiyo
Dhakhso loo ogaadiyo
Dheemanta iyo luulkiyo
Dhuumaha shidaalkiyo
Dhagaxaanta dahabkiyo
Biyihiiba laga dhuro
Waxa dhaliyey guushaa
Dhabta aan ka hadalnee
Waa bare dhanbaalkii.

Aaladaha is dhaafiyo
Hawadaa dhex qaadee
Satalaydku dhiibee
Dhegta qayb la saaree
Diyaaradaha dhoofkee
Dhakhsanaaya socodkee
Arladaba dhammaanteed
Soowada dhanbaliyee
Gaadiid dhammaantii
Badda qaar dhexqaade
Buuraha dhulkaa mara
Waxa dhaliyey guushaa
Cilmi dhurashadiisiyo
Waa bare dhan baalkii.

Dad caqliga dhitaystoo
Garashadoodu dheertahay
Dhankii aad ka eegtoba
Dhaqankiyo asluubtana
Dhaawaca ka jirayoo
Dhowraaya diintana
Dhammaantood rag iyo dumar
Waxaa laga dhex helayaa
Dhabta aan ka hadalnee
Waa bare dhan baalkii.

Kuwa geela noo dhaqa
Kuwa gidirka dhiinkiyo
Dhaameelka ugubkiyo
Dhulka noogu soofshee
Dhitadana guryaha dhiga
Geedka dhowrta geeyee
Oo dhakaalka noo sida
Oo dhaarta noo maray
Cadowguna ka dhuuntee
Dhulka aan xaraashayn
Weligoog dhudhuminayn
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Kuwa dhuuxa noo shubay
Kuwa dhaanka noo raray
Kuwa dhaxanta naga raray
Kuwa codowga naga dhigay
Kuwa dhimirka noo furay
Kuwa dheefta noo sida
Dhiilahana noo talay
Dhulka siir ku beeree
Dhuguc iyo bisalkana
Dhoomaha ka buuxshee
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Dhaadasha Qur’aaankiyo
Dheegasha axkaamtiyo
Towxiid ku dhaqankiyo
Lagu dhigo ardiyo geed
Dhowr godlna loo qoro
Ama labo dharaarood
Dubaaqooda lagu dhigo
Lacanqariyo dhimirkood
Ka dhaadhicnta Nebigana
Dhaladkiisa sooyaal
Dhigaal loogu sama falo
Ku sar go’an dhab iyo xeel
Dhacdo loogu sheegiyo
Dhaxal ay u haystaan
Ninna uusan dhiilliyo
Dhofoorkiisa taagayn
Sidii inu dhukaan yahay
Ama uu dhabcaal iyo
Dhoohane inuu yahay
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Dhudhunkii nin garabsada
Dhaqankii ku weynyahay
Marna aan ka dhoofayn
Dhoobaduu ku noolyahay
Dhul shisheeye aadayn
Dhoof-qaran ka doonayn
Saxaraha ku dhimanayn
Dhimrkiisa magansada
Hoggaamiye dhulkii jira
Ka ilaasha dheelliga
Maatadiisa dhicinkara
Duqaydiisa dhacnsada
Marka cadow u soo dhaco
Uga dhiga mus iyo teed
Isagoo dhifdhiif qaba
Dhaqaaleeya duunyada
Dheefsada markuu rabo
Waxa ka dhiiba goortaa
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.

Anna soo dhameeyoo
Dhisay oo hagaajoo
Dhidibbada u aasee
Ka ilaashey dheelliga
Idinkuna dhammantiin
Dhegihiina geliyoo
Barashada ku dhaatoo
Ubadkaa dhashaaniin
Jahlinimo ka dhowroo
Dhammaan tiin ka dhiidhiya
Oo waxad dhex maaxdaan
Waa bare dhanbaakii.

– Macallin,Maxamuud cali Aadan Hoorri—cilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed & bare ka tirsan macallimiinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed–Muqdisho.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidamada ammaanka oo Hotel Elite ee Muqdisho ku soo bandhigay hub kala duwan

Muqdisho,(SONNA):- Ciidamada ammaanka, oo weli ku guda jira howlgalada lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah kadib…

June 8, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan

Abaalmarinta Waaxda Caddaaladda dowladda Maraykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaareysa ilaa $5 milyan oo doolar si loo helo macluumaad ku saabsan…

GudahaMaqaalladaWararka
July 14, 2025

‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)

Taariikhda dhabta ah ee magaalada Muqdisho, waxaan si qurux badan uga marag furi karnaa Mogadishu Stadium, inuu yahay garoon weyn…

GudahaMaqaalladaWararka
May 28, 2025

Prof. Afyare” Dowladda iyo shacabka marka ay is wataan cid kasta way ka adag yihiin”. (Warbixin).

Muqdisho,( SONNA):- Prof. Afyari Cabdi Cilmi oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalka ka  dhanka ah Khawaarijta…

Maqaallada
June 15, 2023

Fadliga Soonka

Muqdisho(SONNA):-Ajarka soonka laga helo waxaa dheer in dembina lagu dhaafo. Sida aan ugu tagi doonno soonka sunnaha ah, soonka maalinta…

MaqaalladaWararka
March 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023