Muqdisho (SONNA): Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmad Diiriye (Yabooh ) Taliyaha qaybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha qayta guud ee ciidanka nabadsugida gobolka Banaadir G/sare Muxudiin Warbac ayaa galabta kulan la yeeshay saraakiisha qaybta galbeed ee ka kala tirsan Boliiska iyo nabadsugida gobolka Banaadir, wuxuuna shir ka dhacay xarunta Ddgmada Dharkeenley.
Shirkaas oo ku saabsanaa wada shaqeybta laamaha amniga iyo wax ka Qabashada arrimaha Dhaca ee baryahaan Ku Soo Kordhey Qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir
Taliyaha qaybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin ayaa ku amaaney wada shaqeynta ka dhaxeysa Saraakiisha dhammaan laamaha amniga, isagoo xaqiijiyey in xoogga la saaro ladagaalanka burcada caadeysatey dhacDa dadweynaha