Muqdisho (SONNA)- War saxaafadeed ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 7-xubnood oo ka shaqeeya aaska iyo tacsida Guddoomiyihii degmada Hodon Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun) oo xalay lagu dilay Muqdisho.
Duqa Muqdisho iyo dhamaan Madaxda sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay Tacsi tiiraanyo leh u direen Qoyskii, Qaraabadii, Saaxiibadii iyo Bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxriisto Guddoomiyahii Degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan oo Habeenkii xalay abaarihii 2dii iyo daqiiqado lagu dilay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde, kadib markii ay rasaaseeyeen ciidan halkaasi ku sugnaa, waxaana dhacdadaasi ku dhaawacmay labo askari oo ilaaladiisa ka mid ahaa, kuwaasi oo eebe loogu baryayo in uu caafimaad deg deg ah siiyo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho waxa uu faray dhamaan Heyโaddaha Amaanka ee Gobolka Banaadir in baaris rasmi ah lagu sameeyo dhacdadaasi si loo helo cadaalad, la iskulana xisaabtamo Masโuuliyadda shaqaaqada uu ku geeriyooday Allaha u Naxristo Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).
Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu si deg deg ah u Magacaabay Guddi isu-duwa kana shaqeeya Aaska iyo Tacsida Marxuumka.
1- Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud โCaana-booroโ (Guddoomiyaha Guddiga)
2- Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade)
5- Yaasiin Cismaan Jimcaale
6- Seynab Maxamuud Xaabsey
Guddigaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho farayaa in sida ugu haboon loo maamuuso, Tacsida iyo Aaska Allaha u naxriisto Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).
Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun