Muqdisho-(SONNA)-Guddomiye Ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane; Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha Guud ee he’adda UNDP Soomaaliya Mr; Jocelyn Mason iyo ku xigeenkiisa Mss; Sophie kemkhdze.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda UNDP ayaa ka wada hadlay in la iska kaashado dhinacyada dib u hishiisiinta, Xasilinta , Golaha Degaanka Degmooyinka , nabad dhiska maamul wanaagga , daadajinta maamulka Haweenka, shaqa abuurka dhallinyarada iyo kor u qaadista xirfadaha gacanta ee la barayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.
Labada dhinac ayaa isku afgartay in kor loo qaado howlaha wacyigalinta bulshada oo ay qeyb ka tahay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada kasoo baxa Jaamcadaha.
UNDP ayaa gobolka Banadir ka taageeri doonto howlaha xasilinta , dib u hishisiinta iyo hannaanka farsamo ee maamul u sameeynta magaalada Muqdisho oo ay ugu horreyso hannaanka golayaasha degaanka heer gobol iyo heer degmo.
Ugu dambeeyntii Guddomiye Yabooh ayaa sagootiyay Agaasimaha Guud ee UNDP Mr; Jocelyn Mason, oo ay ka dhamaatay shaqadii uu ka hayay Somaaliya, waxuuna sidoo kale soo dhaweeyey Marwa; Sophie oo sii noqon doonto wakiilka UNDP ee Soomaaliya.