Muqdisho (SONNA)-Kooxdaan burcadda ah oo shan maalmood ka hor dhac ka gaystay garaash ku yaalla degmada waabari oo in muddo ah ay ku daba jireen hay’adaha amaanka ee Dawladda ayaa lagu Guulaysatay in gacanta lagu soo dhigo gaariga la dhacay iyo mid ka mid ah kooxaha burcadda ah ku waas oo dhibaato ku hayay shacabka magaalada Muqdisho ka dib hawlgal laga sameeyay degmada kaxda ee Gobolka Banaadir .
Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed oo la hadlay radio muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalka ay ku soo qabteen baabuurka iyo darawalkii waday, isagoo sheegay in ninka la qabtay uu ka mid ahaa shabakad burcad ah oo dhac ugaysan jiray shacabka ayna ku wareejiyeen laamaha amaanka si baaritaano loogu sameeyo .
Maamulka degmada Kaxda ee Gobolka banaadir ayaa mudooyinkaanba waday hawlgalo lagu xaqiijinayo amaanka degmadaasi.