Muqdisho (SONNA): Waxaa maalintii 2-aad waxaa si habsami leh uga socda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Howlaha qeybinta Hilibka udxiyada, iyadoo ay taasi ku timid dadaallo ay iska kaashadeen Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka Bani’aadantinimo iyo mu’asasada Al-Maxaasin Foundation.
Qorshahan bini’aadantinimo ayaa ujeedadiisu tahay in hilib la siiyo qoysaska tabaalaysan ee ku nool gobollada Banaadir, Koonfur-galbeed Soomaaliya iyo Hirshabeelle, iyadoo ay ka faa’iideysanayaan ku dhawaad 53,280 qof.
Mashruucan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu taageerayo haqab-beelka cuntada iyo hagaajinta xaaladaha nololeed ee dadka ugu nugul bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan maalmaha Ciidda Carafo.
Dadkii ka faa’ideystay deeqdan waxbarasho ayaa mahadcelin ballaaran u jeediyay Hay’adda Boqor Salmaan ee Sacuudiga, taasoo qalbigooda ku abuurtay farxad iyo raynrayn.
Mu’asasada Al-Maxaasin ee horumarinta iyo waxbarashada iyo carunta gargaarka Boqor Salmaan waxay xaqiijinayaan sida ay uga go’an tahay sii wadida taageerada bini’aadantinimo iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, iyagoo raadinaya kor u qaadista iskaashiga iyo isuduwidda hey’addaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo hubiyo in gargaarka uu gaaro tirada ugu badan ee suurtagalka ah ee ka-faa’iideystayaasha. .
Iskaashigan midho dhalka ah ee u dhexeeya hay’adaha samofalka ayaa ka tarjumaysa sida ay Boqortooyada Sucuudigu u doonayso inay ka taageerto waddamada walaalaha ah iyo kuwa saaxiibka ah si ay u wajahaan caqabadaha bani’aadantinimo, iyo inay gargaar u fidiyaan cid kasta oo adduunka ugu baahan.