Faallo: Maanta oo kale caalamka guud ahaan waxa laga xusaa maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da bisha Marso, waxaana gudaha dalka iyo dibada lagu qabtaa munaasabado waaweyn oo loogu dabaal dagayo maalintaan.
Sanadkii 1975 ayay golaha loo dhanyahy ee Qaramada midoobay u aqoonsadeen inย sanad walba bisha seddexaad sedeeddeeda loo dabbaal dago maalinta Haweenka Adduunka oo ah maalin ku weyn Haweenka Adduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.
Maalinta Haweenka Adduunka ayaa lagu soo bandhigaa caqabadaha iyo guulaha ay gareen haweenka gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, daryeelka caafimaadka, hal abuurka, waxbarashada, hoggaaminta iyo arrimaha bulshada.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka qaatay maareynta nolol maalmeedka qoyska, waxbarashada ย iyo in ay qeyb ka qaataan siyaasadda iyo dowlad dhiska ummadda Soomaaliyeed.
Haweenka oo ah udub dhexaadka bulshada ayaa sanadahii danbe sameynayay horumarro dhinacyo badan leh oo la xiriira sida dhanka ka qey noqoshada dowladda waxbarashada iyo caafimaadka, waxana u sii dheer bar-baarinta ubadka Soomaaliyeed oo la dhihi karo waa warshad wax soo saar .
Muqdisho iyo gobollada dalka waxaa lagu qabtaa munaasabado lagu xusayo maalintaan, iyadoo hoggaamiyaasha Haweenka Soomaaliyeed todobaadkaan ay muqdisho ka wadeen dabaal dagga xuska sideedda Marso oo sanadkaan halku dhig looga dhigay Garanwaa guryihiinna ka soo saara, Haweenka ayaana qeyb weyn kuleh ololaha bulshada looga wacyigalinayo in ay iska soo qabtaan Garawaaga ku dhax dhuumanayo.
W/D Cabdulqaadir Fantastic