Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka:
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka:
GudahaWararka

Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka:

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 5, 2024
9 Min Read
Share

Qormadan waxay isugu jirtaa, Ku baaqid wax ka qabasho iyo Dib-u-eegis ku saabsan Xaaladda Deegaanka iyo Cimilada ee Soomaaliya.

_______________________________________

Fahamka Deegaanka:

Deegaanku waxa uu ka kooban yahay waxyaabo dabiici ah ee aynu ku nool nahay ama nagu hareeraysan, oo ay ka mid yihiin; hawada aan neefsaneyno, biyaha aan cabno, ciidda aan ku nool nahay [ku dul-noolnahay], iyo noolaha innaga inala-nool. Waa nidaam isku dhafan oo isku tiirsan oo taageera nolosha dhulka. Nasiib darro, ficiladeenna waxay carqaladeeyeen dheelitirnaanta deegaanka, iyagoo keenay dhibaatooyin culus oo deegaanka ah; sida isbeddelka cimilada, xaalufinta dhirta, iyo luminta noocyada kala duwan ee dabiiciga ah. Maalinta deegaanka adduunka [World Environment Day], waxaa tahay in aan is xasuusinno mas’uuliyadda naga saaran ilaalinta iyo soo celinta deegaankeena si aan  mustaqbal fiican ugu diyaarinno ubadkeenna..

Ololaha Soomaaliya Cagaaran: (The Green Somalia Campaign)

Bishii Oktoobar 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu xariga ka jaray ololaha Soomaaliya Cagaaran oo ah hindise ku aaddan in guud ahaan dalka lagu beero 10 milyan oo geedo ah. Hindisahan, oo lagu daahfuray Magaalada Baydhabo, wuxuu hoosta ka xariiqayay doorka muhiimka ah ee dhirtu ku leedahay la dagaallanka nabaad guurka, xaalufinta deegaanka, yaraynta dhibaatada loo gaysto deegaanka, iyo horumarinta mustaqbal waara oo Soomaaliya yeelato.

Ololuhu wuxuu diiradda saaraayay inuu wax ka qabto caqabadaha deegaanka ee daran ee Soomaaliya markaas [iyo hadda ba], ay si daran u wajahaysay oo ay ka mid yihiin; abaaraha iyo roob yarida soo noq-noqday kuwaas oo ka sii daray xaalufinta dhirta. Billowgii waxaad mooddaa in ay jirtay xamaasad iyo wax aan dhihi karo laab-lakac taas oo markii dambe la waayay meel ay ka baxday. Dowladda iyo hay’adihii arrimhaas u xil-saarnaa way ku guul-daraysteen in ay sii dhaqaajiyaan hindisihii iyo qrshayaashii uu Madaxweynuhu billaabay ee rajada badan laga qabay.

Ilaalinta Deegganka Soomaaliya oo ay Gollaha Amaanka Qm ay kasoo saareen go”aano dhaxal u noqday badqabka deeeganka.

Sannado kala duwan ayee qiimeynta ilaalinta deegganka Soomaaliya ka gashay kaalmaha hoose, iyada oo lagu eedanayay dalalka sida ba’an u nabaad-guuriyay  deegganka.

Dunida oo mab-nuuc ka tahay dhoofinta Dhuxasha ayee Soomaaliya u dhoofisay  dalalka khaliijka iyo kuwa kale intii u dhexeeysya 2006 ilaa 2012, iyada oo Bishii Febaraayo sannadkii 2012 Golaha Amaanka Qaramada midoobay cod aqlibad leh ku mamnuucay  dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, waxaana xiligaasi Golaha qodnada ay cuksaneen waxey ahayd xaalufinta dhirta, dhaqaale fara badan oo ay kasoo gala kooxaha Aragaxisada ee ka dagaalao Soomaaliya. wax uuna Wadamada carabta ku cadaadiyay in ay joojiyaan soo dagsashada dhuxsha.

Caqabadaha iyo Dhibaatooyinka Hirgelinta (Environmental Challenges in Somalia)

Inkasta oo uu jiray sida aan soo sheegay rabid bulsheed oo ku saabsan ololaha Soomaaliya Cagaaran, caqabado badan ayaa hor istaagay horumarkiisa. Caqabadahaas waxay isugu jireen isku duwid la’aanta iyo balanqaadyadii laga sugaayay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo hungoobay taas oo muhiim iyo tiir ba u ahayd bixinta kheyraadka loo baahan yahay (resources), siyaasadaha (policies), in kastoo tan wax laga sameeyay, hadana haddii aanan la-dhaqangilin, wax micna ah malleh.. Waxay ahayd in lasii dardargiliyo oo bulshada qaybaheeda kala duwan, dowlad goboleedyada dalka iyo hay’adaha dowladda inay si firfircoon uga qaybqaataan beerista geedaha iyo dadaallada ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, xaaladaha cimilada adag ee Soomaaliya—oo ay ka mid yihiin roob yarida, dabaylo joogto ah, iyo fatahaado soo noqnoqday—waxa ay adkeynayaan [een] hirgelinta mashaariicda beerista geedaha ee ballaaran.

Soomaaliya waxay la tacaalaysaa dhibaatooyin badan oo deegaanka ah oo kordhiya nuglaanta bulshadeeda, isbeddelka cimillada ee aan caadiga ahayn oo ay ku jiraan abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado mararka qaarkood dhaca, waxay carqaladeeyaan in ay beeraleeydu ay wax soo saaraan.

Rajo Badan ayaa muuqata:

Geesta kale waxaa jiro dhallinyaro si iskooda ah is-xilqaam ah ugu shaqeeya beerista dhirta iyo ilaalinteeda, kuwaas oo faham buuxa ka haysta, qaarkood oo aan kula kulmay Caasimadda Dalka waxay ila wadaageen mudnaanta ay siinayaan howshan.

Mid kamid ah xaruumaha yididdiilada u ah horumarka deegaanka iyo isbeddalka cimillada ee aan booqday waa xarunta xanaanada Caruurta Agoonta ee Ciidanka Police-ka Muqdisho, Osma Oscar iyo Saaxibkiis waxay si is-xilqaan ah geedo ugu abuureen xarunta, waxa uu Cusmaan hoosta ka xariiqay in arrinkan ay ugu danleeyihiin in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo cagaaran dhirtana saaxiib la ah, taas oo qeyb ka qaadanaysa bilicda caasimadda iyo il-qabsiga quruxda badan.

Sidoo kale guulaystayaasha (Champions-ka) uu horkaco Ustaad, Cabdisatar Carabow oo ah ma daalayaasha isku xilqaamay qurxinta iyo nadaafadda Xeebta Liido, waxay iyaguna subax kasta oo jimca ah guntiga u xirteen in mid kamid ah meelaha loo dalxiis tago ay nadiif ahaato, waxayna howshaan wadaan Cabdisataar iyo saaxiibada kale ee dhallinyarada u badan wax ka badan Saddax sano.

Waddooyinka lagu Xallin karo Caqabadaha iyo sida loogu guulaysan karo:

Si loo xalliyo caqabadahaas aan soo sheegay waxaa ay ila tahay haddii tallaabooyinka hoose aan ku bixiyay la qaado in wax laga qaban karo isbadelka cimillada iyo deegaanka:

1.Xoojinta Taageerada Hay’adaha:  (Strengthening Institutional Support)

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waa in ay qaataan door firfircoon oo ku saabsan isku-duwidda dedaallada, bixinta kheyraadka iyo fulinta siyaasadaha taageeraya ololaha, Iskaashiga maamullada gobollada iyo dadka deegaanka waa lama huraan si loo hubiyo hab midaysan.

  1. Ka-qaybgalka Bulshada iyo wacyi gelinta: (Community Engagement and Education:)

Kordhinta wacyiga ku saabsan muhiimadda ay leedahay beerista geedaha iyo ilaalinta deegaanka ee bulshooyinka maxalliga ah waa muhiim.

Barnaamijyada waxbarashada iyo dhiirrigelinta waxay kor u qaadi karaan ka-qaybgal firfircoon iyo abuurista dareen lahaansho iyo mas’uuliyadeed.

Sidaas oo kale dhallinyarada hada isu abuubushay iskood iyagana in lasii dhiiri geliyo oo lagu taageero aqoon iyo agab wixii ay u baahan yihiin, tani waxay ka qayb qaadan kartaa in bulshadu si iskood ah ay isku xilqaamaan, qofkasta iyo deegaankastana uu is abaabulo.

3.La-qabsiga Xaaladaha Cimilada: (Adapting to Climatic Conditions:)

Hirgelinta farsamooyinka sida isticmaalka noocyada kala duwan ee geedaha u adkeysan kara abaaraha iyo isticmaalka hababka biyaha ilaalin kara, waxay kordhin karaan heerka badbaadada geedaha cusub. Abuuristaiyo hababka ilaalinta ciidda waxay sidoo kale yareyn karaan saameynta xaaladaha cimilada adag.

4.Ka-faa’iidaysiga Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka: (Leveraging Technology and Innovation:)

Adeegsiga Teknoolojiyadda casriga ah sida helitaanka macluumaadka fog iyo GIS (Nidaamka Macluumaadka Juquraafiyeed) waxay caawin karaan in la sameeyo khariidadaha aagagga ku habboon ee ay tahay in la beero sidoo kale la ogaado koritaanka geedaha. Xitaa tani waxay sahli kartaa in beeralaydeennu ay hellaan xalal waara iyo in ay maareeyaan fatahaadda  biyaha.

Tallooyinku ama tallaabooyinka in la qaado ay tahay, intaan waa ka badan yihiin, balse intaan baan kusoo koobay. Fadlan adna wax ku biiri/ku dar. Mahadsanid

Gunaanad

Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka (World Environment Day) waxaa ay na xasuusinaysaa waajibaadka qofkasta ka saaran in uu deegaanka ilaaliyo, mas’uuliyadda dhankiisa ka gaysto oo aan ku dedaalno sidii aan u quruxsan lahayn deegaankeenna, gacanna ka geysanno Ololaha Soomaaliya Cagaaran, inkastoo caqabado badan ka jiraan haddana wuxuu nasiinayaa yididiilo fara badan, sida waddamada deriska oo aan tusaale usoo qaadan karo Kenya iyo Ithoobiya, kuwaas oo tallaabooyin xagga hore ah u qaaday horumarinta deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka cimillada.

Hadii aan rabno in aan waddamada geeska Africa la-tartanno, wax la qaybsanno, maalgashi uu wadankeena helo, waa in aan wax badan ka qabanaa arrimahan deegaanka quseeya, hadii kale 20 sano soo soocota ama 30 sano mesheen ayaan joogeynaa, aan mideyno dedaalladeenna oo aan qaadno tallaabooyin sax ah oo waxtar leh, si aan u ilaalino deegaanka.

Geed aad beertaa waa adiga oo nolal hagaajiyay, haddaba illaa goorma ayaa la isku xilqaami doonaa ilaalinta iyo kobcinta Deegganka?

“Nadaafaddu waa iimaanka barkiis.”(Xadiithkii Nabigeenna Nabad gelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee laga wariyay).

 

W/D; Cabdirashiid Nuur Ibraahim

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

MUQDISHO-(SONNA)-Kulan Amaanka Caasimadda looga hadlaya ayaa waxaa iskugu yimid Hay'adaha Amniga Heer Federaal  iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo ka…

GudahaWararka
August 4, 2024

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti

Jabuuti (SONNA): Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Jabuuti…

GudahaWararka
December 19, 2023

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray waddo muhiim ah

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee…

GudahaWararka
March 10, 2024

Ra’iisul Wasaare Rooble oo casho Sharaf loogu sameeyay Cadaado

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Cadaado uga qeyb  galay casho Sharaf loo sameeyay…

Wararka
December 18, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023