Dhuusamareeb(SONNA)–Maanta oo ah Maalinta Biyaha Aduunka ayaa Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug ay Wacyigalin ka samaysay Kaamamka ay ku nool yihiin Dadka Barakacayaasha ah ee Magaalada Dhusamareb waxaana la gaarsiiyey Agabyo kala duwan oo ay ka mid tahay Saabuunta, iyadoona lagu wacyigaliyey inay Nadaafadda ku dadaalaan si looga Gaashaanto Caabuqa Covid-19.
Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Axmed Shire Maxamed ayaa waxa uu Tilmaanay inay joojiyeen Munaasabadii lagu Maamuusi lahaa Maalinta, balse ka door bideen in Bulshada wacyigalin loo sameeyo gaar ahaan Dadka Barakacayaasha, sidoo kalena wax laga qaban doono Baahiyaha dhanka Biyaha ah loona samayn doono Biya galin.
Gudoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada Magaalada Dhusamareb C/xakiin C/laahi Warsame ayaa dhankiisa ku baaqay in Dadkan loo sameeyo Gurmad dhinacyada Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Cuntada ah.
Dadka Maanta la tagay Kaamamkooda ayaa Muddo seddax sano ka hor ah waxa ay ka soo Barakaceen Deegaanada bari ee Gobolka Galgaduud ka dib markii Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka dheceen Xoolihii ay lahaayeen sidoo kalana qaar ka mid ah Caruurtooda ay Askareeyeen, taasina ku qasabtay inay soo Miciin bidaan Magaalada Dhusamareb iyo Meelo kale oo amaan ah.
Dhinaca kale munaasabad taa la mid ah oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee biyaha ayaa maanta lagu qabtay magalada kismaayo xili biyo la aan aad u baahsan ay ka jirto magaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda.