Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Algeria
    May 11, 2026
    Madaxweynaha JFS oo gaaray Uganda
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: 11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka kala dhacay Mudug iyo Bakool
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka kala dhacay Mudug iyo Bakool
GudahaWararka

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka kala dhacay Mudug iyo Bakool

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 18, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay fuliyay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, kaasi oo si toos ah loogu beegsaday malleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo ku dhuumaaleysanayay tuulada Dumaaye ee gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa lagu dilay 6 malleeshiyaad ah, waxaana gacanta lagu soo dhigay hub iyo saanad ay argagixisadu ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah, hubka laga soo furtay cadawga, waxaa ka mid ahaa afar qori oo nooca AK-47 ah iyo agab ciidan oo kale, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay waddada isku xirta Garasweyne iyo Mooragaabeey oo 37 km dhanka galbeed uga beegan degmada Xuddur ee Gobolka Bakool ayaa lagu beegsaday koox kale oo Khawaarij ah.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 5 dhagar-qabe oo tirsanaa malleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah, waxayna ciidamada ay gacanta ku dhigeen 2 qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale.

Magacyada horjoogayaasha la dilay waxaa ka mid ah:
Ibraahim Caliyow Maxamed Macalin
Aadan Maxamed Same
Cabdullaahi Aadan Dheere

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fashiliyey weerar naf-la-caari ah oo ay malleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen deegaanka Dabagalo, oo qiyaastii 35 KM dhanka Waqooyi-Galbeed ka xiga Xarardheere.

Ciidanku waxay ka hortageen qorshaha cadowgu soo maleegay ee lagu doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada deegaanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan dadaallada joogtada ah ee CXD iyo ciidamada Macaawisleyda ee lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada, waxayna mar kale caddeynayaan inay sii socon doonaan howlgallada lagula dagaallamayo Khawaarijta illaa CXD ay xaqiijiyaan in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan ammaan buuxa iyo xasillooni waarta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Nairobi,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam…

May 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Muqdisho-(SONNA)-Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 34-aad ee Hay’adaha Sare…

GudahaWararka
July 15, 2025

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay in ka badan 24 Dhagarqabe

Afgooye, (SONNA): Howlgal ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Guutada 7-aad, ayaa lagu dilay in ka badan 24 dhagarqabe…

GudahaWararka
October 4, 2024

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XFS oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota

Minnesota(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku…

GudahaWararka
October 4, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibada XFS oo u Magacowday Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Xoghayaha Koowaad ee Ergayga Soomaaliya New york.

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xoghayaha Koowaad ee Ergayga Soomaaliya New york…

Wararka
November 4, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023