MUQDISHO-(SONNA)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay xubin sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab kaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda.
Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-shabaab dhexdooda looga yaqaano, Abuu-Saacid ama Shariif, Xilalka uu Khawaarijta Al-Shabaab ka soo qabtay waxa kamid ahaa qaaddiga Maxkamad beenaadka Gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Khawaarijta Al-Shabaab iyo Lataliyihii horjoogihii la khaarijiyay ee Axmed Godane. Madaxii Zakawaadka Gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab.
Ugu dambeyn horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA.