Muqdishu-(SONNA)-Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah la filayaa inay wadajir u ansixiyaan Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.
Ansixinta miisaaniyaddaan ayaa ku soo beegmaysa maanta oo ah maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadkaย 2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.
Xildhibaannada labada ayaa maalmihii la soo dhaafay suโaalo ka weydiinayay miisaaniyadda Wasiirka Maaliyadda, waxaana suโaalaha ay u badnaayeen sida loo isticmaalayo iyo qarashaadka loo qoondeeyay hayโadaha dowladda, iyadoo ay xusid mudan tahay in mushaarka ciidamada la kordhiyay, lana gaarsiiyay illaa $200 bil walba.
Ansixinta Miisaaniyadda ayaa noqon doonta tii u horeysay oo ay wadajir u ansixiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo horay ay Miisaaniyadda u ansixin jireen Golaha Shacabka oo kaliya
Miisaaniyadda sanakda 2020 ayaa gaaraysa $459.5 Milyan,waxayna ka kooban tahay dakhliga gudaha iyo deeqaha dibadda ka imaanaya ee lagu kabayo Miisaaniyadda dowladda Federaalka.