Muqdisho (SONNA) Kusimaha Duqa Caasimadda Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xasan Iimaan Ayaa Cisbitaalka Digfeer ku booqday qaar kamid ah dhaawacydii ku dhaawacmay Weerarkii Argagixisadu ay la beegsadeen Shacbka.
Maamulka Cisbitaalka Digfeer Ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyey xaalada Dhaawacyada iyaga oo sheegay in ay heleen adeeg wanaagsan ayna heegan ugu jiraan latacaalidda xaaladooda.
Dhinaca kale Maamulka Gobolka Ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee u Baahan in ay helaan adeeg kabaxsan Dalka in ay gacan weyn ka geesanayaan Qaadidooda iyaga oo latashi la samaynaya dhakhaatiirta.
Ugu dambayntii Kusimaha Duqa Caasimadda Ayaa booqday Goobtii ay Khawaarijtu weerarka ka geysteen ee Hotel Elite waxaana Maamulka gobolku uu faray waxaada Nadaafada Gobolka in ay kusameeyaan Bilic soo celin goobta uu weerarku kadhacay.