Muqdisho (SONNA) Ciidanak Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen nawaaxiga degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelada Hoose ku dilay horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Taliska ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa (SONNA) u sheegay in la dilay horjoogihii Al-shabaab oo ahaa bartilmaameedka howlgalkaasi.
Horjoogaha la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Liibaan, halka magaca Afgarashada Alshabaabna uu ahaa Yacquub,wuxuuna ahaa madaxa qaraxyada Alshabaab u qaabilsanaa Shabeelada Hoose.
Howlgalka oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lagu beegsaday goob la sheegay in ay isku uruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo qorsheynayay in ay weeraro ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeeladda Hoose.
Dhawaan ayaa howlgal qorsheysnaa oo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen degmada Kuntuwaarey waxaa ay ku khaarijiyeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan,sidoo kale waxaa ay siidaayeen dad shacab ah oo alshabaab maxaabiis ahaan ay u hayeen.