Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Kulanka golaha Shacabka ee Maanta oo looga hadlay Ajendayaal kala duwan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Kulanka golaha Shacabka ee Maanta oo looga hadlay Ajendayaal kala duwan
Wararka

Kulanka golaha Shacabka ee Maanta oo looga hadlay Ajendayaal kala duwan

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 28, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 5-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa Maanta loogu dooday Ajendayaal kala duwan.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane; Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muuddey, oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanadda golaha ay guddoonka usoo gudbiyeen Mooshin ama soo jeedin la rabay in kulanka maanta ee golaha loogaga  doodo kaasoo ku saabsan soo xaadirista Xildhibaanada ee kulamada golaha sidaa daraadeedna maadaamaa golaha kalfadhigan ay hor yaalaan howlo fara badan ajendahaas dib loo dhigay fadhiga kan xigana looga doodi doono .

Guddiga maaliyadda,miisaaniyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Golaha hor keenay Akhrinta labaad ee wax ka beddalka sharciga iibka Qaranka ,waxaana golaha ka hor jeediyay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Engineer Cabdullaahi  Cali Xasan ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta 1-aad ee Heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanadda Maalgashiga darafyada badan oo ay wasaaraddiisu soo diyaarisay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa su’aalo ku saabsan Heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanada Maalgashiga darafyada badan weydiiyay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo kulanka joogay.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa golaha hor geeyay warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Degmada Berdaale ee gobolka baay oo ay ku rogmadeen daadad xoog leh oo ka dhashay roobab deegaanadaasi ka da’ay qasaaraha ay geysteen,isagoo ku baaqay in si deg deg ah dadkaasi loogu gurmado.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dad saaka ay dooni kula qalibantay Magaaladda baladweyne ,waxana uu sheegay in goluhu guddi u magacaabaayo dhibaatooyinka fatahaada wabiga iyo daadadkaba ka geysteen deegaanadda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyay Sharciga Istaatiskikada ama Tirakoobka Qaranka,waxaa ka dib markii cod la geliyay ka dib codka haa ku ogolaatay 137-xildhibaan sedax ayaa ka aamustay mana jirin tira diiday,waxaana sidaasi sheegay guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka soo xiray.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Muqdisho(SONNA);-Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi ka socday safaaradaha dalalka Carabta ee fadhigooda yahay dalka Kenya, kuwaas…

GudahaWararka
July 14, 2025

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee…

GudahaWararka
February 26, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Qaahira, (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan…

GudahaWararka
January 24, 2025

Dadweynaha oo loogu baaqay in ay ka fogaadaan xeebaha xilli Baddu kacsan tahay

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay soo saartay Warsaxaafadeed ku saabsan digniinaha xilligaan ay baddu…

GudahaWararka
May 24, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023