Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Kulanka Golaha Horumarinta Qaranka oo Muqdisho Lagu Qabtay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Kulanka Golaha Horumarinta Qaranka oo Muqdisho Lagu Qabtay
GudahaWararka

Kulanka Golaha Horumarinta Qaranka oo Muqdisho Lagu Qabtay

By SB
Last updated: December 4, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Horumarinta Qaranka, kaas oo ay ku mideysan yihiin Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirrada Qorsheynta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dar-dar gelinta hir-gelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ 2025–2029), xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gurmadka abaaraha uu dalku wajahayo iyo sidii loo mideyn lahaa qorsheynta horumarineed ee dalka oo dhan.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), isaga oo ka hadlay muhiimadda dhismaha nidaam mideysan oo hagaya qorsheynta qaranka, iyo dardargelinta fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ 2025–2029).

Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay warbixinta natiijooyinka Qiimeynta Muddo-Dhammaadka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (QHQ 2020–2024), iyo dulmar ku saabsan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo ay soo diyaariyeen waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Qorsheynta. Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay soo gudbiyeen warbixinno horumarineed, iyaga oo xusay fursadaha, caqabadaha, iyo mudnaanta sannadka soo socda.

Wasiirka Qorsheynta ayaa soo xiray kulanka isaga oo xusay in Wasaaraddu ay sii xoojin doonto wada-shaqeynta federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, si loo xaqiijiyo fulinta QIQ, isla markaana la gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed horumar waara oo loo dhan yahay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay xoojinta Wax-soosaarka dalkeenna ayaa xarigga…

GudahaWararka
November 8, 2025

RW Xamsa oo magacaabay wasiir ku-xigeen cusub

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,…

GudahaWararka
November 9, 2025

Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si rasmi…

GudahaWararka
January 31, 2026

Guddoomiye ku xigeenka Cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir oo Xilka La wareegay

Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa  maanta xilkiisa kula wareegay Guddoomiye ku xigeenka cusub…

Wararka
April 29, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023