Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan Nidaamka Aqoonsiga Qaranka oo Muqdisho ka dhacay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan Nidaamka Aqoonsiga Qaranka oo Muqdisho ka dhacay
GudahaWararka

Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan Nidaamka Aqoonsiga Qaranka oo Muqdisho ka dhacay

By Bile
Last updated: September 7, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa  maanta si wadajir ah u qabtay kulan wadatashi oo ku saabsan kaalinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada shirkadaha isgaarsiinta, iyo isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada isgaarsiinta ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda hay’adaha NIRA iyo HIQ iyo mas’uuliyiin ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta dalka. Kulanka ayaa waxaa daahfuray Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle, iyo Mustafa Yasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee HIQ, iyagoo ka hadlay heerarka kala duwan ee uu soo maray nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyo sidii loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka.

Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle, oo kulanka ka hadlay ayaa yiri: “Iskaashiga ka dhexeeya NIRA iyo shirkadaha isgaarsiinta waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu noqdo mid la isku halleyn karo oo wax ka taraya adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya.

<Wada shaqeyntani waxay siinaysaa ummadda Soomaaliyeed fursad ay ku heli karaan aqoonsi rasmi ah, waxayna fududaynaysaa aqoonsiga macaamiisha ee shirkadaha isgaarsiinta.”

Sidoo kale, Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay: “Dhismaha nidaamka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay horumarinta isgaarsiinta dalka iyo ilaalinta danaha macaamiisha. Waxaan diyaar u nahay inaan si dhow ula shaqeyno shirkadaha isgaarsiinta si aan u hubinno in nidaamkani uu noqdo mid wax ku ool ah oo si buuxda ugu shaqeeya macaamiisha Soomaaliyeed.”

Warbixinno kala duwan ayaa lagu soo bandhigay kulanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin shuruucda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka, iyo sida loo fulin doono diiwaangelinta SIM-ka iyo adeegyada isgaarsiinta. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay istiraatiijiyadda hawlgelinta, fursadaha iskaashi, iyo meelaha ay iska kaashan karaan NIRA, HIQ, iyo shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo la xoojinayo ujeexdada guud ee ah in la horumariyo adeegyada isgaarsiinta ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirkadaha isgaarsiinta ayaa soo dhaweeyay iskaashiga iyo wada shaqaynta la xiriirta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan NIRA iyo HIQ si ay uga qayb qaataan isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada isgaarsiinta. Sidoo kale, shirkaduhu waxay ballan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan diiwaangelinta macaamiisha.

TAGGED:Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan Nidaamka Aqoonsiga Qaranka oo Muqdisho ka dhacay
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga Dalka oo in ka badan 70 ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab ku dilay dagaal ka dhacay Jilaable ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Muqdisho (SONNA)-Afhayeenka ciidanka Xoogga dalka Kornayl Cali Xaashi ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ku sheegay inay ku dileen in…

GudahaWararka
June 3, 2021

Wasaaradda Caafimaadka (XFS) oo qalab caafimaad ku wareejisay maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug

Muqdisho.(SONNA)...Wasaaradda Caafimaadka  (XFS) ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga cudurka Coronavirus si ku wareejisay maamullada Hirshabeelle iyo…

Wararka
March 31, 2020

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Galmudug gaarsiisay qalab looga hor-taggo Covid-19.

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qalab looga hortegayo cudurka karoona fayras gaarsiisay maamul goboleedka Galmudug. Qalabkaan caafimaad…

Wararka
March 31, 2020

MW Xasan Sheekh oo bogaadiyey heshiiska tayeynta CXD ee ay wada saxiixdeen Soomaaliya & Mareykanka

Muqdisho (SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed…

CaalamkaGudahaWararka
February 15, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023