Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Kulan wadatashi ah oo ku aadan nidaamka ka jawaabista deg dega ah ee Xasaradaha cunada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Kulan wadatashi ah oo ku aadan nidaamka ka jawaabista deg dega ah ee Xasaradaha cunada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
GudahaWararka

Kulan wadatashi ah oo ku aadan nidaamka ka jawaabista deg dega ah ee Xasaradaha cunada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

By Bile
Last updated: January 30, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Kulan wadatashi oo heer farsamo ah oo looga arrinsanayay sidii loo nidaamin lahaa “hore-uga-jawaabista xasaradaha haqab-beelka cunnada soomaaliya” oo ay ka qeyb galeen hay’adaha, wakaaladaha iyo saaradaha kala duwan ee wadajirka uga howlgala arrimahan, deeqbixiyeyaal iyo hay’ado ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimada iyo horumarinta ayaa magaalada Mudisho lagu soo gabogabeeyay.

Kulanka oo muddo saddex maalin ah socday ayaa salka ku hayaa wadatashiyo laba-geesood ah oo ay dowladdu qabatay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si loo horumariyo Qorshaha U Diyaargarowga Xasaradaha Cuntada ee Soomaaliya (FSCPP) oo ay hoos-tagayaan wasaaraddaha beeraha iyo waraabka; Qorshaynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, lalana kaashanayo Bangiga Adduunka iyo saaxiibada kale iyadoo loo marayo Mashruuca Soo-kabashada Dhibaatooyinka Soomaaliya (SCRP).

Shirka wadatashi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jira kuwo farsamo iyo kuwo siyaasadeed ayaa looga hadlay wada-shaqeyn dhanka farsamada ah, ayadoo sidoo kale intii kulanku socday fursad la siiyey hay’adaha dowladda iyo daneeyeyaasha caalamiga ah si ay uga wada shaqeeyaan sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa qorshaha qabyo-qoraalka ah ee hadda lagu shaqaynayo, gacana ka geystaan sidii loo hagaajin lahaa qeybaha diyaarsan ee la soo jeediyey iyo sidii loo dhisi lahaa is-afgarad qeexaya tallaabooyinka xiga iyo waqtiga lagu hawlgelinayo qorshaha.

Agaasimeyaasha guud iyo wakiillo farsamo oo ka kala socda Wasaaradaha Dowladda, Waaxyaha iyo hay’adaha beeraha iyo waraabka, qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya, xannaanada xoolaha iyo dhirta, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, xafiiska tirakoobka qaranka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale saaxiibbo ka socday FAO, UNICEF, iyo ururada bulshada rayidka ah, ayaa ka qayb galay Kulanka.

Geeddisocodka qorshaha horumarineed waa mid ay leedahay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dowladdu hoggaamiso, daneeyeyaashana u oggolaanaya ka qeyb noqoshada iyo la socoshada. Sidoo kale qorshahan waxa muujinayaa muhiimmadda dhisidda awoodaha hay’adaha qaranka muddo kooban iyadoo diiradda la saarayo saddex arrimood:

1- FSCPP wuxuu sharaxayaa isku dubaridka hawlaha sida joogtada ah loo korjoogteeyo, loona ogaado dhibaatooyinka dhanka sugnaanta cuntada iyo nafaqada.

2- Qorshaha FSCPP wuxuu sharaxayaa in ay hannaan fulineed la yimaadaan dowladda, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibadada caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarka si loo qiimeeyo khataraha dhibaatooyinka imaan kara , waxna looga qabto dhan fulin iyo dhan dhaqaaleba.

3-FSCPP waxa uu sidoo kale qeexayaa nidaaminta shaqo iyo hab-maamuus ee ay marayaan mas’uuliyiintu si ay uga jawaabaan xaaladaha daran ee soo kordha, ayna u buuxiyaan meelaha bannaan fulin ama dhaqaale ahaanba.

Qorshahaan ayaa la rejeynayaa in la dhammeystiro bisha September, saanadka 2023, kaddib marka ay si rasmi ah u ansixiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee ka howlan ka jawaabista sugnaanta cuntada dalka.

 

TAGGED:Kulan wadatashi ah oo ku aadan nidaamka ka jawaabista deg dega ah ee Xasaradaha cunada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay ku simaha madaxa Sanduuqa Horumarinta Qatar

Dooxa (SONNA): Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa maanta kulan miro-dhal ah…

GudahaWararka
October 13, 2025

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo Ruushka uga qeyb galay shirka arrimaha dhalinyarada ee dunida Islaamka

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Tatarstan mudane, Rustam ayaa kulan sagootin ah u sameeyay wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS mudane Xil Maxamed…

GudahaWararka
December 17, 2022

Ra’iisulwasaare Xamse oo gurigiisa Qaahira ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya+Sawirro

Qaahira-(SONNA)-Ra’iisul wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin Wasiirka Warfaafinta,wasiir ku xigeenka arrimaha Diinta iyo awqaafta,…

GudahaWararka
January 10, 2023

Khawaarijta oo Saddex Magaalo muhiim ah lagala wareegay(WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xorreynta degaanka ayaa si buuxda u la wareegay gacan ku heynta Magaalooyinka…

MaqaalladaWararka
January 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023