Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah ee XFS, Abshir Jaamac Huruuse ayaa sheegay in xalay ay kulan casho sagootin ah u sameeyeen wafdi ka socday ururka Iskaashiga waddamada Islaamka oo sooย gabagabeeyay booqasho sadex maalmood ah oo ay dalka ku joogeen, iyagoo intii ay dalka ku sugnaayeenna booqday xarumo dowladdeed oo kala duwan.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda sar sare ee dalka, iyagoo u kuurgalay saamaynta ay reebeen abaarihii dalkeenna ka dhacay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Wasiir Huruuse ayaa sheegay in qodobbada ugu muhiimsan ee ajandaha shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda wadamada Islaamku ku yeelan doonaan waddanka Muritaaniya bisha soo socota ee Maarso ay ka mid yihiin taageeridda dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen iyo in Soomaaliya loo muujiyo garab istaag dhab ah.
โQodobada ugu muhiimsan ee ajandaha shirka Wasiirrada Arrimaha Dibeddaย wadamada Islaamku ku yeelan doonaan waddanka Muritaaniya bisha soo socota ee Maarso waxaa ka mid ah taageeridda dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colaaduhu saameeyeenโ.