Muqdisho:-SONNA-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Kulan deg deg ah iskugu Yeeray saraakiisha ciidanka booliska,shirka Khamiis laha ah ee hoggaamada iyo Fadhiyada madaxa-banaan ee ciidanka booliiska Soomaaliya.
Kulanka dag dag ah ayaa ujeedkiisu ahaa sidii wax looga qaban lahaa Xaaladaha amni-daro ee Ku soo Korartay Caasimada iyo sidii wax looga badalilahaa hanaanka shaqo ee ciidanka ee ku sugan caasimada.
Taliya ayaa Sheegay in uu magacabayo gudi ka shaqeynayo kormeerida baraha hubinta gaadiidka, kuwaasi oo wacyi galin buuxda loogu sameeynayo ciidamadda maadaama loo bahan yahay in wax laga beddalo hab dhaqanka ciidamadda.
Ugu danbeyn,taliyaha ayaa ku amray taliyeyaasha in ay si deg deg ah ugu soo dabaalan xasilooniย Caasimada iyadoo laga dulayo cabashooyinka Shacabka Soomaaliyeed,iskulana xisaabtamayo dhacdooyinka soo laa laabtay.