Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyay kulan lagu xoojinayay wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee sugidda amniga xudduudaha dalka.
Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustafe Dhuxulow , Agaasimaha guud ee Hay’adda adeegga Socdaalka Dowladda Finland iyo saraakiil sare oo ka socotay CID, INTERPOL iyo kuwa Ilaalada Xeebaha Boliiska.
Kulanka ayaa lagu mideeyay qorshaha xog-wadaagga sirdoonka, howlgallada wadajirka ah iyo ilaalinta xudduudaha dalka, si loo xoojiyo amniga guud iyo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya hay’adaha amniga gudaha iyo kuwa caalamiga ah.