Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug ayaa maanta magaalada Samareeb ka daah-furtay kulan bulsho oo bishiiba labo jeer Wasaaraddu qaban doonto si faham dhameystiran bulshada looga siiyo difaacidda carruurta iyo shuruucda ka hortaga askareynta carruurta da’da yar ee ay adeegsadaan kooxaha hubeysan.
Kulankan oo qabashadiisa ay iska kaashadeen Wasaaradda Haweenka Galmudug iyo Hey’adda UNICEF ayay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin ka socotay Wasaraddaha Amniga, Cadaaladda, xubno ka tirsan shaqalaha Wasaradda iyo qaar ka mid ah bulshada Caasimadda, wxaana la isku weydaarsaday aragtiyo laxariira Askarta carruurta iyo difaacidooda oo xubnaha goobta ku sugnaa laga dhageystay dhacdooyinka ay goobjoog u ahaayeen oo cadeynaya isbadalka dhabta ah ee laga sameynayo fahamka ilaalinta xuquuqda carruurta.
Cumar Axmed oo ka mid ah tababarayaasha Wasaradda iyo farxiyo Cabdirisaaq Maxamed ayaa bulshada sharaxaad ka siiyay, sida looga hortagi karo Askareynta carruurta oo ay ku sheegeen inay tahay sidii loo joogeyn lahaa wacyigelinta bulshada.
Kulamadan oo Wasaraddu joogteyn doonto ayaa looga gol’leeyahay wax ka qabashada tacadiyada ay wajahayaan carruurta laga qayb geliyo isku dhacyada hubeysan oo ah kuwo baalmarsan shuruucda caalamiga ah ee ka hor-tagidda Askareynta carruurta.