Kulan lagu taageerayay qodabadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA)-Kulanka oo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka Gobalka Mudug ee Galmudug ayaa lagu taageeray qodabadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay muqdisho iyo ilaalinta qoondada haweenka

Ugu horeyna Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed ayaa ka warbixiyay ajandaha kulanka waxaana uu sheegay in ay soo dhaweynayaan qodabadii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Dhamaan odayaasha dhaqanka ee kulanka ka hadlay ayaa taageeray qodabada shirka iyo arinta la xariirta ilaalinta qoondada haweenka oo iyadu ka mid ah qodabadii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhawaan ku soo idlaatay magaalada Muqdisho

          

La wadaag cid kale