Muqdisho (SONNA): Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay kulan looga hadlay u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda. Kulanku waxa uu isu keenay shirkadaha xarumaha xargaha fiber-ka badda maamula, shirkadaha Isgaarsiinta, iyo kuwa internet yada si looga hadlo waajibaadka u hoggaansanaanta, foomka warbixinta sannadlaha, marxaladaha warbixinta u hoggaansanaanta iyo taariikhaha muhiimka ah ee soo gudbinta, rukhsadaha iyo oggolaanshaha xargaha fiberka badda.
Maareeyaha guud mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa furay kulanka isaga oo ka hadlay sida Hayโaddu uga goโan tahay hirgelinta u hoggaansanaanta iyo fursadaha la xiriira xeernidaamiyahan: โSoomaaliya maanta waxay leedahay qaab-sharci casri ah oo cad, annagana waxaannu ka filaynaa in rukhsadlayaashu si buuxda u gutaan waajibaadkooda,โ ayuu yiri. โXeernidaamiyahani waxa uu abuurayaa fursado dhaqaale, waxa uu dalkeenna ka dhigaa xarun istaraatiiji ah oo isku xira Bariga iyo Bartamaha Afrika, isla markaana waxa uu xoojinayaa dhaqaale dhijitaal. Masโuuliyaddeennu waa ilaalinta hurgelinta xeer-nidaamiyahan iyo hubinta u hoggaansanaanta.โ
Kulanku waxa uu daba socday ansixintii Golaha Wasiirrada ee 12 Juunyo 2025 ee Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda, kaas oo dejiyey hanaanka maamul ee ku saabsan helitaanka bandwidth-ka caalamiga ah, isla markaana xoojiyey jidka dalkeenna ee ku aaddan isku-xirnaan adkaysi leh iyo tartan caafimaad qaba oo suuqa isku-xirka ah.