Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: kulan ku saabsan is-waafajinta adeegyada hay’adaha socdaalka iyo NIRA oo lagu qabtay muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > kulan ku saabsan is-waafajinta adeegyada hay’adaha socdaalka iyo NIRA oo lagu qabtay muqdisho
GudahaWararka

kulan ku saabsan is-waafajinta adeegyada hay’adaha socdaalka iyo NIRA oo lagu qabtay muqdisho

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 6, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) kaas oo looga hadlayay is-waafajinta adeegyada labada hay’adood iyo qorsheyaasha la xiriira adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaa qeyb ka ahaa:

* Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad)

* Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle (Tima-cadde)

* Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustaf Dhuxuloow

* Howlwadeeno ka kala socday labada hay’adood

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxaa ka mid ahaa:

* Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka

* Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga

* Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed

* Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga ee HSJ iyo NIRA

* Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hay’adood.

Intii uu socday kulanka, waxaa laysla meel dhigay in laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025, dadka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliya in laga rabo in ay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.

Sidoo kale, waxaa la go’aamiyay in laga bilaabo 1-da Janaayo 2026, dhammaan socdaalka gudaha dalka lagu xiro isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogta shakhsiga ah ee muwaadiniinta.

Labada Hay’adood ayaa muddooyinkii u dambeeyay si wadajir ah uga shaqeynayay is-waafajinta adeegyada dowliga ah ee ay siiyaan dadweynaha, si muwaadiniinta loogu sahlo helitaanka xaquuqdooda dastuuriga ah.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu mideynayo xogaha muwaadiniinta, laguna adkeynayo dhawrista xogta, ammaanka, iyo hufnaanta adeegyada dowladda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

kulanka Golaha wasiirada ee Jubbaland oo looga hadlay arrimaha Ammaanka iyo qodob kale“SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweyne  ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirada Jubbaland kaas…

GudahaWararka
December 23, 2021

Ciidanka Qaranka oo fashiliyey weerar Arbushad ah oo khawaarijtu ku soo qaadeen Balcad

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Qaranka ayaa saakay fashiliyey dhagar ay Khawaarijtu u soo maleegtay shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii…

GudahaWararka
April 6, 2024

Caalamka oo si isdaba joog ah uga soo jawaabay baaqa Soomaaliya ee diidmo Xadgudubka Ethiopia (WARBIXIN)

Addunyada ayaa si isdaba joog ah uga soo jawaabaysa baaqa Dawladda Soomaaliya ee ah in la diido Xadgudubka Ethiopia ay…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 4, 2024

Tunisia :dad tahriibayaal ah oo ku dhintay shilalkii u dambeeyay ee ka dhaca badda

Ugu yaraan 19 qof oo isugu jira qaxooti iyo tahriibayaal ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika ayaa ku…

Caalamka
March 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023