Muqdisho (SONNA)-Ku-xiggeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda {HSJ} Col. Cusmaan Xasan Cosoble ayaa u soo xiray Tababar u socday Saraakiil ka kala socota Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Wasaaradda Caafimaadka ee XFS.
Tababarka oo ku saabsanaa ka hor-tagga Cudurka safmarka ah ee CoronaVirus iyo Maamulka xuduudaha, ayaa ujeedada loo qabtay xiligaan waxay tahay siddii Saraakiisha ka howlgala Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde sare loogu qaadi lahaa aqoontooda iyo xirfaddooda, si ay uga hor-tagaan cudurka degdega u faafa ee CoronaVirus.
Tababarkaan oo socday muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee HSJ oo dhanka fududeynta iyo bixinta casharada tababarkaba la kaashatay Hey’adda Socdaalka Qaramada midoobay (IOM)
Ku-xiggeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Col. Cusmaan Xasan Cosoble oo tababarka soo xiray ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Wasaaradda Caafimaadka ay labaduba ka howlgalaan Xuduudaha Dalka ayna muhiim tahay in aqoontooda iyo xirfadoodaba sare loo qaado.
Sidoo kale Col. Cusmaan ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay kula noqdaan aqoonta ay ku barteen Tababarka Xafiisyada ay ka kala shaqeeyaan, dhanka kalena waxa uu u rajeeyey inay wax badan ka badali doonaan habka ay iminka u shaqeeyaan.
Ugu dambeyn Saraakiisha ka qeyb qaadatay tababarkaan ayaa la gudoonsiiyay Shahaado ka marqaati kaceysa Cilmiga ay barteen afartii maalmood ee uu Tababarku u socday.