Muqdisho-(SONNA)-Ku simaaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka JFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta oo uu furay shir-weynaha 6-aad ee garsoorka dalka, kaas ooย looga hadlayo ciribtirka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, dowlad wanaagga iyo qodobo kale.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka dowladda FS, taliye xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guddoomiyaasha naxkamadaha sare iyo xeer Ilaaliyaasha guud ee dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay shir-weynaha.
Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray arrimaha horutabinta u leh hay’adaha garsoorka dalka sanadkaan 2024, qorshayaasha u baahan in dedejiyo, si loo horumariyo shaqooyinka garsoorka dalka.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay dajiyeen qorshe baaxad leh oo la doonayo in lagu horumariyo nidaamka cadaaladeed ee dalka.
Wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka dowladda FS mudane Xasan Macalim ayaa sheegay in sanadkaan golaha shacabka uu horyaalo qorshaha hanaanka federaaleynta cadaaladda.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa xusay in garsoorku uu muhiim u yahay nolosha ummadeed iyo dowladnimadeena.
Ku simaha madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka JFS mudame Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay wadaan hey’adaha garsoorka dalka, isaga oo u xusay in goluhuย bilaabay dhameystirka Dastuurka.
Shirkaan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa cilmi baarisyo kala duwan oo ka hadlaya maamul wanaagga, ilaalinta madaxbanaanida hay’adaha garsoorka dalka iyo hanaanka baarista dambiyada.